Daawo Madaxweynaha France oo booqasho ku tagay dalka Masar

masarMasar (NN) 18/04/2016

Madaxweynaha wadanka Faransiiska Francois Hollande ayaa booqasho ku tagay wadanka Masar, safarkiisan ayaa la xariira heshiisyo ganacsi oo ay labada dal wada saxiixi doonaan.

Hollande-Masar-SISI

Mr.Hollande oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira, ayaa kulamo uu la yeeshay Madaxweynaha Masar Cabdifatax Al Sisi kala hadlay sidoo kale arrimaha xuquuqul Insaanka.

Madaxweynaha France ayaa ku booriyey dowlada Masar inay dhowrto xaquuqul insaanka, xili xukuumada SISI ay xarig iyo cadaadis xoogleh la beegsaneyso dhamaan dadka ay u aragto mucaaridka.

Hollande ayaa la sheegay in dhinaca kale uu hogaamiyaha Masar kala hadlay dil dhawaan loo geystay arday u dhashay Italy oo la sheegay in uu wadanka Masar ka waday baaritaan la xariira gaboodfalada dowlada Masar ku heyso shacabka.

Hase yeeshee ahmiyada safarka Hollande ayaa ah heshiisyo ganacsi oo lagu wado in labada dal ay kala saxiixdaan, waxaana intooda badan la filayaa inay noqdaan dhanka iibsiga hubka iyo mashaariicda militariga oo ay xukuumada Sisi xooga saareyso.

Faransiiska ayaa kamid ah dalalka adduunka ugu awooda badan dhanka suuqgeynta hubka, wuxuuna dalkan sidoo kale dhawaan heshiisyo dhinaca hubka ah la saxiixday dowlada Boqortooyada Sacuudiga oo iyadu xiligan dhaqaale xoogleh ku taageerta isla xukuumada Cabdifitax Al Sisi.

 

Comments are closed