Netanyahu oo daan-daansi u tagay Buuraleyda Golan ee Siiriya

netoIsra’iil (NN) 18/04/2016 

 

Raysalwasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu iyo Golihiisa Wasiirada ayaa Axadii shalay shirkooda Todobaadlaha ah ku qabsaday dhulka Golan Heights oo ay Isra’iil ka qabsatay dalka Siiriya dagaalkii 1967dii.

Israiil-Golan-GoleWasiiro

Netanyahu ayaa sheegay in tilaabadan ay tahay mid ay ku muujinayaan in dhulka buuraleyda ah ee Golan Heights ay 70% gacantooda ku jirto isla markaana weligeed ay siiheysan doonaan dhulkaasi oo sharciyan ka tirsan Wadanka Siiriya.

Booqashada Netanyahu iyo Wasiiradiisa ayaa lagu soo beegay Axadii shalay oo ku beegnayd 70 sano guuradii kasoo wareegtay markii wadanka Siiriya xoriyada ka qaatay gumeystihii Faransiiska oo halkaasi isaga baxay sanadkii 1946dii.

Wadanka Siiriya oo horey uga mid ahaan jiray dalalkii ugu awooda fiicnaa dhanka Militariga Carabta ayaa xiligan muddo 5 sano ah waxa ka socda dagaalo sokeeye, waana markii ugu horeysay oo Golaha Wasiirada Isra’iil ay kulankooda todobaadlaha ku yeeshaan dhulka Isra’iil xooga ku qabsatay ee Golan Heights.

Comments are closed