Shaqo Abuur Loo sameeyay 9 Gabdhood Oo Laga Soo Xulay Gobolada Deegaanka

GgJigjiga  ( ESTV) 18/04/2016

 

Xukuumada DDSI oo ah xukuumad kusifawday kadamqashada dadka danyarta ah sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa ayaa waxay maanta 9 gabdhood oo laga soo kala xulay gobolada deegaanka oo danyar ah siisay hanti dhan 900,000(sagaal boqol oo kun) si ay shaqo abuur  ugu samaystaan iyadoo hay’ada adeega lacagaha yar yar iyo amaahdu faraha kagalisay lacagtaas.

Dhanka kalana, ururka horumarinta soomaalida itoobiya ee jaaliyada waqooyiga America-Minnesota ayaa iyana dhankooda ugu deeqay 9ka gabdhood miisaaniyad dhan10,000 oo doolar oo u dhiganta 220,000 oo birr si ay ugu sii xoojiyaan shaqo abuurka ay xukuumadu u samaysay gabdhahaas danyarta ah. wadarta lacagtaas oo dhan 1,120,000 oo birr. Waxaana Halkaas kugudoonsiiyaymaareeyaha guud ee microfinancega mudane maxamed cabdiraxmaan, Wasiirka Xafiiska Arimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe, gudoomiyaha jaaliyaadka  North America mudane Maxamed Shukri Nuur, Gudoomiyaha Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya ee North America mudane Ibraahin Carab iyogudoomiyaha ururka dhalinyarada soomaalida itoobiya ee Sedyo mudane Cabdiwaduud Axmed Gaani iyadoo mas’uuliyiinta qurbajoogta ay wakiil kayihiin dhamaan qurbajoogta deeqda lacagtaas kaqayb-qaadatay.

Tanina waxay kamid tahay qorshayaasha xukuumada DDSI udajisan ee ay saboolnimada kaga saarayso shacabkeeda ee uu dalkuna kaga mid noqonayo wadamada dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

Comments are closed