Nairobi, Kenya: Fagaare Loogu Tala Galay Qurba-joogta Afrika oo Kulan Lagu Qabtay Maanta

qurbajoogtaKenya (NN) 20/04/2016 

Maanta waxaa kulan lagu qabtay fagaare loogu tala galay qurba joogta Afrika kaasoo looga wada hadlay amuuraha ku taxaluqa qurba joogta Afrika.

Waxaa arinta ugu weyn ee kulankaasi lagu falanqeeyay ay ahayd lacagaha ay qurba-joogtu kasoo xawilaan dibada oo dalalka Afrika aad usaacida. Waxaa lagu qaadaa dhigay amaba lagu lafa guray dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xaddida dhimitaanka qiimaha lacagaha loogu soo xawilo dalalka Afrika.

Fagaarahaas ayaa waxaa lagu qabtay Dugsiga Daraasadaha Lacagta ee Kenya (Kenya School of Monetary Studies) oo kuyaala caasimadaan Nairobi.

Kulankaa oo dhacay galinkii dambe ee maanta waxaa soo agaasimay ama qarash gareeyay Machadka Afrika ee Lacagaha Laxawilo (African Institute for Remittances) iyo Hayada Caalamiga ah ee Socdaalka ama Hijrada ee marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqaano IOM.

Kasoo qeybgaleyaasha ayaa waxaa kujiray  masuuliyiin kasocday baananka dhexe ee dalalka kujira Midowga Afrika (AU), wasaaradaha maaliyada iyo qorsheynta ee dalalkaa, banuukta ganacsiga ee wadamadaas, xawilaadaha, shirkadaha adeegyada taleefanada gacanta iyo ururada qurba-joogta.

Dhanka Soomaaliya waxaa kulankaasi kasoo qeyb galay  wakiilo kasocday xawaalada Amal Express iyo masuuliyiin kale oo fara badan halka dhanka Kenya ay kasocdeen wakiilo ka tirsan laamaha shirkadaha taleefanada ee lacagaha lagu kala waarido sida Mpesa iyo Airtel Money.

 

Comments are closed