Madaxweynaha Puntland oo Casho-Sharaf Loogu Sameeyay Addis Ababa  (Warbixin)

GaasAddis-Ababa  (ESTV) 21/04/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha JDFI mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi ayaa maanta kulan qado sharaf ah oo si heer sare ah loo soo agaasimayMadaxwaynaha Puntland mudane Cabdiwali Maxamed Cali gaas ugu sameeyay huteelka caalamiga ah ee Sheraton ee kuyaala xarunta dalka ee adhisababa.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen mudane Dr. Guray Fidaar, mudane Bashiir Cabdulaahi Caydaruus, iyo waliba xubno kale oo labada dhinac wehelinayay ayay ujeedadiisu ahayd ugu horayn soo dhawayn uu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar dalka kusoo dhawaynayay madaxwaynaha Puntland mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo waliba in laga wada hadlo hawlaha argagixisada al-qushaash.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa soo dhawayn iyo qado sharaftii kadibmadaxwaynaha puntland kalahadlay xaaladaha argagixisada isagoo tilmaamay in argagixisada ay si cilmiyaysan ugala dagaalamaan dhanka istaratiijiyada iyo in guud ahaan shacabka soomaaliya ay uguntadaan sidii ay gacantooda iskaga celin lahaayeen ugulana dagaalami lahaayeen dhamaanba ururada argagixisada. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa raaciyay in xukuumada DDSI iyo shacabka deegaankeeduba ay hadh iyo habeenba utaagan yihiin ladagaalanka argagixisada iyo garab istaaga shacabka soomaaliya isagoo xukuumada puntland uga mahadceliyay guulaha ay kakeeneen dagaaladii ay lagaleen argagixisada kuna booriyay inay halkaa kasii wadaan.

Dhinaca kalana, madaxwaynaha puntland mudane Cabdiwali Maxamed Cali iyo xubnihii weheliyay ayaa mahadnaq balaadhan halkaa uga soo jeediyay JDFI ee uu hogaanka uhayo raisal wasaare Hailemariam Desalegn, xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwayne CMC iyo guud ahaan shacabka dalka gaar ahaana shacabka DDSI iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin kulankan iyo waliba inay khibrad dhaxal-gal ah kaqaateen.

Ugudanbayna, kulan sharafeedkii ayaa kusoo gabagaboobay guul iyo in si wadajir ah loola dagaalamo ururada argagixisada ee gabbaadka kadhiganaya diinteena islaamka

Comments are closed