Dowladda Somalia oo sheegtay in Dagaal ka dhacay Galguduud ay ku dileen 25 Al-shabaab ah

bbGalgaduud (NN) 22/04/2016

Ugu yaraan 25 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaal culus oo ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray habeen hore dulleedka degmada Ceel-buur ee gobolka Galguduud, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur Cabdi Xasan ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada isbahaysanaya ay guulo ka gaareen dagaalka oo ka dhacay sida uu sheegay deegaannada Budbud iyo Ula-jarad oo qiyaastii 75-km ka fog Ceelbuur.

“Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM waxay dagaalkaas ku dileen 25 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsanaa. Sidoo kale waxaan gacanta si buuxda ugu dhignay deegaannadii lagu dagaallamay, hawlgalkaanna waa mid lagu doonayo in deegaannada gobolka Galguduud oo dhan lagu xoreeyo,” ayuu yiri Cabdi Xasan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha degmada Ceel-buur ayaan ka hadlin khasaaraha dhanka ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya ee ka tirsan AMISOM kasoo gaaray dagaalkan, sidoo kalena ma jirto ilo wareedyo madax-bannaan oo xaqiijinaya tirada uu sheegay in dagaalladan looga dilay Al-shabaab.

Dhanka kale, Al-shabaab kama aysan hadlin weli guusha ay sheegteen ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM inay ka gaareen dagaalka dhacay gobolka Galguduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dagaalka ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen dhawaanahaan deegaanno ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya qaarkood.

 

Comments are closed