Gobernatooraha Garissa oo Musuq Lagu Soo Eedeyay

gaarisaGaarisa (NN) 22/04/2016

Gobernatooraha degmada Garissa, Nadiif Jaamac  ee gobolka Soomaalidu degto ee Waqooyi-bari Kenya ayaa waxaa lagu eedeeyay musuqmaasuq gaar ahaan la xiriira soo gaditaan baabuur ambalaas ah. Agaasimaha dacwadaha ee dawlada Kenya ayaa ansixiyay dacwadaha ka dhanka ah gobeernatooraha 2dii bishii todobaad ee kal hore kadib markii guddiga Anshaxa iyo La-dagaalanka Musuqa  (Ethics and Anti-Corruption Commission-EACC) uu baaritaan ku sameeyay gobernatooraha.

“Markii aan si madax bannaan u eegay galka dacwada, waxaan ku raacay guddiga EACC in caddeyn ku filan oo ka dhan ah gobernatooraha iyo saraakiisha degmadaa la hayo,” ayuu yiri agaasimuhu. Gobernatoorahaa ayaa waxaa lagu heystaa inuu ambalaasyada kasoo kireeyay shirkad ay leedahay Laanqeyrta Cas ee Kenya laguna magacaabo Emergency Plus, arintaasoo lidi ku ah sharuucda soo waaridida gaadiidka dawlada Kenya. Waxaa kaloo mudane Nadiif lagu eedeeyay inuu shaqaaleeyay shaqaale aan u qalmin hawlaha loo dhiibay.   Si kastaba ha ahaatee gobernatooraha waxaa la siiyay muddo 21 cisho ah oo uu racfaan ku qaadan karo.

Comments are closed