Ururka Alpha Trust oo booqasho ku tagay Somaliland si ay u soo indho-indheeyaan xaaladda Abaaraha

hargetsaHargeysa (NN) 22/04/2016

Madaxda Ururka Alpha Trust, ayaa kulan Madaxtooyada Somaliland kula yeeshay xubnaha gudiga abaaraha ee Somaliland, xarunta madaxtooyada, kaasoo uu Shir-guddoominayay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami.

Kulanka oo ay Saxaafau dibad-joog ka ahayd, ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa war-baahinta uga Warbixiyay nuxurka kulankaas Wasiirka Difaaca Somaliland, Axmed Xaaji Cali [Cadami], isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan guddiga, sidoo kalena sheegay inay muhiim tahay in la caawiyo dadka abaaruhu saameeyeen.

“Wafdiga noo yimid waxay noogu yimaadeen inay bulshadeenna dhibaateysan caawiyaan, waana soo dhaweynaynaa cid walba oo doonaysa inay gacan shacabka dhibaateysan gacan siiso,” ayuu yiri Wasiir Cadami.

Sidoo kale, Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Somaliland, Aamina Maxamed Diiriye ayaa iyaduna xustay in wafdigan ay dhawaan Hargeysa yimaadeen, ayna u socdaan inay shacabka reer Somaliland ee dhibaateysan caawiyaan.

Guddoomiyaha Alpha Trust, Daahir Cali Kulmiye oo isagana goobta ka hadlay ayaa xusay inay ka damqadeen dhibaatada haysta walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo intaas ku daray inay wadi doonaan kaalmooyinka tan iyo inta abaaruhu jiraan.

Ugu dambeyn, Wafdiga Ururkan ayaa waxaa inta ay ku sugan yihiin Somaliland ay booqan doonaan Deegaannada ay Abaaruhu ku dhufteen, si ay u soo indho-indheeyaan Xaaladaha Nololeed ee shacabka deegaanadaas.

 

Comments are closed