Guddoonka Baarlamanka Somalia oo Maanta ka soo saaray Go’aanno Mooshinkii Shirka Jowhar

1Muqdisho 23/04/2016

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kasoo saaray go’aanno mooshinkii muranka dhaliyay ee laga keenay Shirka Jowhar ee Maamulka loogu dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kaasoo 19-kii bishan khilaaf adag ka dhex-dhaliyay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulan uu shir-guddoominyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa laga soo saaray go’aanno dhawr ah oo mooshinkaan looga gaarayay xal kama dambeys ah.

Prof. Jawaari ayaa faray Xukuumadda Somalia, Xildhibaanada kasoo jeeda labada gobol iyo duubabka-dhaqanka inay muddo 45 maalmood gudahood ah lagu xaliyo khilaafka taagan, laguna soo af-jaro dhismaha maamulka gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa amray in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xareeyo ergada ka dhiman ee laga sugayo Ansixinta Dastuurka uu yeelan doono maamulka labada gobol, xulista xildhibaannada baarlamaanka Gobolladaas, lana soo doorto Guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas iyo ku-xigeennadiisa, si ay ugu xigto midda madaxweynaha maamulka gobolladaas loo dhisayo.

Dhanka kale, Xildhibaan Maxamed Amiin C/llaahi, ayaa isagana sheegay in heshiis laga gaaray mooshinkii muranka dhaliyay, isla markaana la isku af-gartay afar qodob oo kala ah; In 45 maalmood gudahood lagu dhiso maamulka, laguna dhameeyo wixii tabasho ee jira.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo xiriir ah la lahaa maalmahan Guddiyo ay iska soo Xuleen Xildhibaannada isku maan-dhaafsanaa Mooshinkaan, xildhibaannadaas soo laga dalbaday in toddobaad walba baarlamanka Somalia la horkeeno halka ay hawlaha shirka ay marayaan.

Mooshinkaan maanta xalka laga gaaray ayaa waxaa Baarlamaanka Federaaka hor-keeay 42 xildhibaan, kuwaasoo dalbanayay in Shirka Jowhar hakad la geliyo si loo xalliyo tabooshin ay qabaan Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan Qaarkood, inkastoo ay kasoo hor-jeesteen mooshinkan xildhibaanno kale oo baarlamaanka ka tirsan.

Ugu dambeyn, Degmada Jowhar ayaa waxaa ka socda xilligaan shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, inkastoo ay ka maqan yihiin shirkan qaar ka mid ah xubnihii shirkaas ku meteli lahaa gobolka Hiiraan, inkastoo ay jiraan waxgarad ka socda Gobolka Hiiraan oo shirka ka Qayb-galaya.

 

Comments are closed