Madaxweynaha DDSI Ayaa Furay Shirkii Qiimaynata Degmooyinka Gobolada

DdsiJIGJIGA  ( ESTV ) 23/04/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa galinkii danbe ee maanta shirkii qiimaynta gobolada iyo degmooyinka kafuray hoolka xarunta madaxtooyada DDSI.

Hadaba shirkan qiimaynta ah oo ay kasoo qaybgaleen maamulada gobolada iyo degmooyinka ayuu madaxwaynuhu u sheegay in ujeedadiisu tahay qiimayn si gaar ah loogu eegayo biyo-xidheenadii ay degmooyinka deegaanku sameeyeen iyadoo qiimaynta lagu cabirayo baaxada, dhererka, balaca, goobta laga xushay, awooda uu uleeyahay biyo-xidheenku inuu biyo aad u badan kaydin karo iyo in kale, sida loo tashiilay miisaaniyadii loo qabtay iyo waliba biyaha galay haatan inta ay le’egyihiin. Wuxuuna madaxwaynuhu tilmaamay inuu gobol kasta warbixinta degmooyinkiisa projector kusoo jeediyo una soo dhigaan warbixintooda si itus oo taabsii ah oo cad-cadaani kudheehan tahay iyadoo gudigii dabagalkuna ay halkaa kasoo jeedinayaan warbixinta wixii ay kusoo arkeen qiimayntii ay kusoo mareen biyo-xidheenada.

Waxaana ilaa haaatan lasoo afmeeray qiimaynta labada gobol ee afdheer iyo sitti iyadoo halkaa kasii socon doonto maalinta bari ah. Hadii alle idmo.

20160423_205024

Comments are closed