BARACK OBAMA: Ciidan uma Dirayno Suuriya Balse waa in awood Xukunka looga tuuro Assad

obamaMareykanka (NN) 24/04/2016

Madaxweynaha Mareykanka, Barack H. Obama ayaa mar kale sheegay inay ka go’an tahay in si awood xukunka looga tuuro Madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Assad, isagoo xusay inaysan Mareykanku ciidammo lugta ah u dirayn Suuriya.

Obama oo wareysi siiyay BBC-da ayaa xusay in Cadaadisyada Caalamiga ah ee la saarayo dhammaan Dhinacyada oo ay xukuumadda Ruushku ay ka midtahay ay keeni karto inay ka wada-xaajoodaan nidaam siyaasadeed oo ku meel gaar ah oo laga hirgeliyo dalkaas.

“Waxay iila muuqataa khalad weyn in Mareykanka iyo Britain ay ciidan u diraan Suuriya, si ay xukunka uga tuuraan Bashar Al-Assad,” ayuu Barack Obama yiri, isagoo xusay inay kooxda ISIS burburin doonaan sagaalka bilood ee uga harsan muddada uu xilka haynayo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Mareykanka – ayaa sheegay inay sii wadi doonaan Duqeymaha ka dhanka ah, Kooxda Islaamiga ah ee ISIS/Daacish ee ku sugan Suuriya, Taasoo uu xusay inay barbar socon doonaan dadaaladda lagu soo af-jarayo dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Madaxweyne Obama, ayaa hadalkiisa sii raaciyay inuu Aaminsan yahay in Mashaakilka ka jira Caalamka uu u baahan yahay in xal caalami ah oo loo dhan-yahay laga gaaro.

Dhanka kale, Wuxuu Obama ka hadlay Arrimaha Liibiya, ayuu sheegay inay cid walba dan ugu jirto in Dowladda Shaqeyneysa waddankaas laga dhisio ay ka Qayb-qaadato ololaha ka dhanka ah kooxda Daacish uu xusay inay saameyn xooggan ku leedahay Arrimaha Liibiya.

“Tani waxay wax weyn ka taraysaa sidii loola Tacaamuli lahaa muddada fog ee dalkaas ay ka jiraan soo-galootiga uga tahriiba dalalka Yurub Qaarkood, si taas looga hor-tagana waa in la is-kaashado,” ayuu mar kale yiri Obama.

Barack Obama, ayaa sheegay inuu weydiistay waddamada Bariga Dhexe ee Xulufada la ah Mareykanka inay fursad siiyaan dowladda Liibiya ee lagu heshiiyay, lana go’doomiyo ISIS si ay u heshiiyaan ururrada kale ee dalkaas ka jira.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Mareykanka oo safar saddex maalmood ah ku joogay dalka UK, ayaa maanta gaaray Jarmalka, halkaas oo ay uga billaabatay Maanta booqasho qaadan doonta muddo dhawr maalmood ah.

 

Comments are closed