Kuuriyada Waqooyi oo ku guuleystay Tijaabinta Gantaalada Ridad dheer ee Gujiska

kuriyaKuuriya-Waqooyi (NN) 24/04/2016

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay markii ugu horeysay ay ku guuleysatay tijaabinta Gantaal nooca ridada dheer ah oo laga tuuray Markab nooca Gujiska ah ee badda quusa.

Kuuriyada-Waqooyi-Gantaal-Gujis

Kuuriyada Waqooyi ayaa bilihii lasoo dhaafay dar dar geliyey tijaabinta hubkooda culus sida nukliyeerka iyo gantaalada ridada dheer.

Waa markii labaad oo uu dalkaasi Tijaabinayo gantaal laga tuuray Markab Gujis ah, balse tijaabadii todobaadkan ayaa ahayd mid ay ku guuleysteen.

Qorshaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ah inay hesho Sadexda awoodood ee hubka Nukliyeerka ee kala ah gantaalada laga ridi karo maraakiibta gaar ahaan Gujiska bada quusa, Gaadiidka xambaara gantaalada iyo Gantaalada laga rido dhanka beriga. Sadexdan quwadood ayaa ah mid ka difaaci karta weerar kadis ah oo uga yimaada dalka Maraykanka iyo xulafadiisa.

Comments are closed