Jeddah (NN) 24/04/2016
Ugaas Maxamed Faarax oo isagana xafladda soo dhaweynta ahayd ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in madaxweynihii hore ee Somalia uu mar labaad kusoo laabto xilka madaxnimo ee dalka, isagoo sheegay inuu mudan yahay in mar kale uu hoggaamiyo ummadda Soomaaliyeed, maadaama uu horey shaqooyin wanaagsan u soo qatay.Xafladda ayaa waxaa soo xiray madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sh. Axmed oo uga mahad-celiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sucuudiga, Xafladda soo dhaweynta ah ee ay u sameeyeen, sidoo kale wuxuu ka waxbixiyay booqashada uu ku joogo Sauudiga oo ahayd mid ka dambeysay marti-qaad uu ka helay Bangiga Horumarinta Islaamka.
“Sucuudiga waxaan ku nimad casuumaad aan ka helnay madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka iyo inaan Cimraysanno… Al-xamdulilaah labadiiba si aad u wanaagsan ayay noogu soo dhammaadeen. Waxaana qorshaheennu yahay inaan ka caawinno Soomaalida wax walba oo ay u baahan yihiin,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sh. Axmed oo xafladda ka hadlayay.
Shariif Sh. Axmed ayaa yiri. “ummad walaalo ah oo ay wax kala gaareen, markii la rabo inay wax wada-yeeshaan waxay u baahan tahay inay helaan gogol-nabadeed oo wixii calooshooda ku jira bannaan dibadda ay soo dhigaan, ayna heshiiyaan, taasoo abuuraysa kalsooni iyo is-dhexgalka ummada Soomalaiyeed.
Ugu dambeyn, Madaxweynihii hor ee Somalia ayaa tacsi u diray ehellada iyo dadkii ay ka baxeen dhallinyardii Soomaaliyeed ee Toddobadkii hore ku naf-waayay badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Masar, xilli ay u tahriibayeen Yurub.
Comments are closed