Madaxweynaha DDSI Ayaa Soo Xiray Shirkii Qiimeynta Gobolada & Degmooyinka

abdi

Jigjiga (ESTV) 25/04/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Kadib qiimayntii 3da maalmood u socotay gobolada iyo degmooyinka deegaanka ee kusalaysnayd biyo-xidheenadii ay sameeyeen oo lagu kalasaarayay degmooyinka qaab dhismeedkii ay u sameeyeen ayuu maanta soo gunaanaday.

Qiimayntan oo ahayd mid si cad-cadaani kudheehan tahay loo qabtay oo lagu xulanayay degmooyinka biyo-xidheenada ugu wanaagsan sameeyay iyo kuwa kagaabiyay islamarkaana loo diyaariyay abaal-marin gawaadhi ah degmooyinka darajada 1,aad kuguulaysta iyo waliba abaal-marin kale degmooyinka darajada 2,aad gala ayaa hoolka xarunta madaxtooyada lagu soo xidhay.

1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hadaba madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay gabagabada qiimayntan ayaa sheegay in dhamaan degmooyinku ay qabteen shaqo wanaagsan oo bilaw ah laakiin ay kukala horeeyaan dhinaca waxqabadka shaqo badan oo dhimana ay jirto isagoo kadib hoolka usoo bandhigay inay iyagu kudhawaaqaan degmooyinka kaalmaha hore galay maadaama oo ay goob joog u ahaayeen qiimaynta.

Guriga ayaana cod buuxa ku ansixiyay degmooyinka biyo-xidheenada ugu wanaagsan sameeyay ee darajada 1, aad oo kala ah:

  1. Degmada Godey biyo-xidheenka qabalaha Hadhaawe
  2. Degmada Awbare biyo-xidheenka qabalaha Dilaaca Sheekh Cali
  3. Degmada Dhagaxbuur biyo-xidheenka qabalaha Hoodaale

Waxaana biyo-xidheenada darajada 2, aad loo qaatay biyo-xidheenada shilaabo, jigjiga iyohudhat oo iyana loo diyaariyay shilimaadyo kale iyadoo si guudna xaflad gunaanad ah loo qabanayo habeen danbe dhamaanba gobolada iyo degmooyinka.

Comments are closed