DAAWO SAWIRRO Madaxweynaha DDSI oo Xadhiga Kajaray Mashruuca biyo-xidheenka tuulada Waaji

FB_IMG_1461689844919

Waaji (ESTV) 26/04/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta xadhiga kajaray mashruucii biyo xidheenka qabalaha waaji ee Degmada koonfurta jigjiga  ee dhawaan ladhagax dhigay.

FB_IMG_1461689825401

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hadaba madaxwaynaha ayaa waxaa booqashadan xadhig kajarka ah ku wehelinayay marti sharafka khaaska ah eeMadaxwaynaha dawlada deegaanka Canfarta Mudane Xaaji Siyon oo khibrad kaqaadasho uyimid deegaanka, Afhayeenka Golaha Xildhibaanda DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq madaxwayne kuxigeenada DDSI, Golaha kabineega, Maamulada Gobolada iyo degmooyinka iyo waliba marti sharaf kale.

FB_IMG_1461676551645Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay xafladan xadhig kajarka ah ayaa sheegay in baahida koobaad ilaa ta shanaad ee deegaanku ay tahay biyo islamarkaana ay xukuumada DDSI xooga saartay sidii ay shacabwaynaha deegaanka uga haqab-tiri lahayd baahida biyaha iyadoo man-power, Machinery iyo Budget kufilan usamasay si ay uga midho dhaliso yoolasheeda ku aadan baahida biyaha. Waxayna xukuumadu samaysay wakaalada Dabagalka Daraasaadka iyo Naqshadaynta. Taasoo guulo waa wayn kasoo hoyisay dhanka daraasaadka, Naqshadaynta iyo dabagalka ee khaastan biyaha si biyo looga helo dhulka hoostiisa gaar ahaan ceelasha dhaadheer. Sidaasdarteed ayay biyo xidheenadu waxay qayb ka yihiin qorshaha ay xukuumadu qaadatay si biyo la’aanta looga baxo. Wuxuuna intaa kudaray in biyaha galay biyo xidheenkan waaji ay u dhigmaan in kabadan 800 oo Barkadood biyahood oo looga faaiidaysan doono dhanka waraabka beeraha, bulshada iyo xoolahaba. Madaxwaynaha ayaana hadalkisii kusoo xidhay hambalyo iyo bogaadin ku aadan Maamulada Gobalada, Degmooyinka iyo dhamaan shacabwaynaha deegaanka isagoo carabka ku dhuftay in qorshahani yahay midkii lagaga qalin-jabin lahaa saboolnimida ee uu dalku kaga mid noqon lahaa wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

FB_IMG_1461690271911

Sidookale waxaa xafladan kahadlay Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Canfarta, Madaxwayne Kuxigeenka DDSI ahna wasiirka Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax iyo walibakusimaha Gudoomiyaha Gobalka faafan ahna Gudoomiye kuxigeenka Gobolka oo dhamaantood bogaadiyay 174ka biyo-xidheen ee deegaanka laga dhisay ee uu kamidka yahay biyo-xidheenkan qabalaha waaji.

Ugudanbayna munaasabadan xadhig kajarka ah ayaa waxaa lagu soo afmeeray qado sharafeed si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay.

Comments are closed