Turkiga oo duqeeyey xarun ay Daacish ku leedahaya gudaha Siiriya

turkigaTurkiga (NN) 26/04/2016

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay ku guuleysatay burburinta xarun gantaalada looga soo tuuri jiray oo ay kooxda Daacish ku lahayd waqooyiga dalka Siiriya.

Turkiga-Duqeyn-kilis-jawaab1

Ciidamada Turkida ayaa duqeeyey goob 6km u jirta xaduuda gudaha wadanka Siiriya, halkaasi oo la sheegay in laga soo tuuray gantaaladii maalmihii lasoo dhaafay lagu duqeeyey Magaalada kilis  ee koonfurta Turkiga.

Hal qof ayaa ku dhintay gantaalo Axadii lasoo dhaafay ku dhacay magaalada Kilis, duqeyntaasi oo la sheegay inay ka danbeysay kooxda Daacish. Waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay dad gaaraya 26 qof oo ay ku jiraan qaxooti ka yimid dalka Siiriya.

Comments are closed