Daawo Belguim oo Salah Abdeslam ku wareejisay dowlada France

bigemBelguim (NN) 27/04/2016

Dowlada Belguim ayaa maanta oo Arbaco ah ku wareejisay wadanka France, eedaysane Salah Abdeslam oo kamid ahaa kooxdii weerarka ka geysatay magaalada Paris dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay.

 

Salah Abdeslam oo muddo bilo ah baxsad ahaa ayaa bartamihii bishii Maarso lagu qabtay guri ku yaal magaalada Brussels ee caasimada dalkaasi Belguim. Ninkan oo u dhashay dalkaasi Belguim ayaa asal ahaan kasoo jeeda wadanka Marooko.

Ninkan ayaa kamid ahaa dhalinyaradii ku biiray kooxda Daacish, wuxuuna kamid ahaa sida la sheegay kooxdii fulisay weerarkii bishii November ka dhacay caasimada dalka France ee Paris oo ay ku dhinteen in ka badan 130 qof.

Qorshaha ayaa ahaa inuu ninkan isku qarxiyo Stadiumka Paris, walow uusan falkaasi fulin. Ragga ku dhintay weerarkii Paris waxaa kamid ahaa nin ay walaalo ahaayeen oo isagu isqarxiyey.

Salah Abdeslam ayaa kadib weerarkii Paris dib ugu noqday magaaladii uu ku dhashay ee Brussels, wuxuuna halkaasi ku dhuumaaleysanayey muddo bilo ah. Dowlada Belguim ayaa sheegtay inuu sidoo kale qorsheenayey inuu weeraro kale ka geysto gudaha wadankaasi.

Kadib qabashadii Salah Abdeslam ee bishii lasoo dhaafay ayey maalmo kadib koox ay saaxiibo ahaayeen weeraro ismiidaamin ah la beegsadeen Madaarka Brussels iyo xarunta Tarenada laga raaco.

Dowlada France ayaa horey u codsatay in loo soo gacan geliyo ninkan si ay usoo taagaan maxkamada, codsigaasi oo ay dowlada Belguim aqbashay.

Comments are closed