Daawo Cali Khaliif oo lagu eedeeyey in uu dhibaato ka wado Buuhoodle

caliBuuhoodle (NN) 27/04/2016

Ciidamada difaaca Buuhoodle ayaa maalintii shalay ee Salaasada la hadley saxaafadda waxaana ay sheegeen in aysan indhaha ka sii qarsan karin waxa ka socda Buuhoodle, iyaga oo ku eedeeyey Madaxweynaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh in uu dhibaato ka wado Buuhoodle, isla markaana qorshihiisu yahay in Buuhoodle laga qaxo, loona gacan geliyo Somaliland.

Saraakiisha ciidamada Difaaca Buuhoodle oo wata gaadiidkoodi dagaalka ayaa sheegey in aysan cidna u daba fadhiisaneyn talada Buuhoodle, hadda wixii ka danbeeyana ay iyagu maamulayaan.

Saraakiisha saxaafadda la hadley ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif in uusan cidna la tashaneyn, isimadii Buuhoodlena casiley isaga oo Buuhoodle ka soo galay dhanka xuduudka kadib markii Balicad laga qabsadey, waxay ku eedeeyeen in ciidamada yar ee uu isugu geeyey Sarmaan ee uu yiri Widhwidh iyo Ceegaag ayaan ku weerari qorshohoodu yahay in Buuhoodle la qabsado taasna maaha mid aan ka yeelayno ayey yidhaahdeen.

Kadib ciidanka difaaca Buuhoodle ayaa gudaha u galay magaalada iyaga oo wata gaadiidkoodi dagaalka.

Dhanka kale taageerayaasha Madaxweynaha Khaatumo ayaa ku eedeeyey ciidamadan kuwo la soo kireystey, isla markaana ka soo horjeeda in la xoreeyo dhulka beesha Dhulbahante laga haysto, halka saraakiisha shalay sheegay in ay la wareegayaan talada Buuhoodle ay ku doodayaan in xoreynta laga soo bilaabo Kalabaydh, Saaxdheer iyo dhulkii horey loo qabsadey.

 

Comments are closed