Daawo Doorashada USA: Trump iyo Hillary oo markale guulo waaweyn gaaray

topMareykanka (NN) 27/04/2016

Labada murashax ee kala hogaaminayey murashaxiinta xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga ee u tartamaya Madaxweynaha Maraykanka ayaa codbixintii laga qaaday shan gobal oo muhiim ah uga soo hooyatay guulo waaweyn.

Trump-iyo-hillary-shanGobal

Shanta gobal ee Connecticut, Delaware, Maryland, Pennsylvania iyo Rhode Island ayaa waxaa si weyn ugu loolamayey murashaxiintan inay ka helaan codod ku filan oo ay ku hantaan Ergada gobaladaasi kasoo gasha kahor intaan la gaarin shirweynaha labada xisbi ee lagu soo dooran doono murashaxa rasmiga ah ee xisbiyada Maraykanka.

Murashaxa Maalqabeenka ah ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku guuleystay guud ahaan cododka ugu badan ee shantii gobal ee xalay codbixinta ka dhacday, wuxuuna guushaasi ku helay 118 ergo. Halka labada murashax ee la tartameysay aysan helin ergooyin badan oo ay kula loolamaan Trump.

Trump ayaa guulihii codbixintii illaa iyo hada ka dhacday gobalada Maraykanka ku helay ergooyin gaaraya 949, waxaana looga baahan yahay xisbiga Jamhuuriga Murashaxa rasmiga ah inuu helo 1237 ergo, hadii uusan helin tiradaasi ayaa codbixinta kama danbeysta ah ka dhici doontaa Shirweynaha xisbigaasi oo la qaban doono bisha Luulyo.

Xisbiga Dimuquraadiga
Codbixintii shantii gobal ee shalay codka loo qaaday ayaa waxaa 4 kamid ah ku guuleysatay Hillary Clinton oo heshay ergooyin dheeraad ah.

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibada Hillary Clinton ayaa ku guuleysatay 4ta gobal ee kala ah Pennsylvania, Maryland, Connecticut iyo Delaware. Gobalka Pennsylvania ayaa ahaa midka ugu muhiimsan oo ay kasoo galayeen ergooyin gaareysa 189 ergo. Waxayna Mrs.Clinton heshay 56% cododka gobalkaasi. Halka murashaxa la tartamayey ee Bernie Sanders uu helay 43% cododka.

Bernie Sanders ayaa isagu fursad u helay xalay inuu ku guuleysto gobalka Rhode Island oo kaliya.

Hillary Clinton ayaa illaa iyo hada heysata ergooyin gaaraya 1.640, halka Bernie Sanders uu heysto 1.331 ergo. Murashaxa xisbiga Dimuquraadiga ayaa looga baahan yahay inuu helo 2.383 ergo si uu u noqdo Murashaxa rasmiga ah ee xisbigaasi. Hadii labadooda ay heli waayaan tiradaasi codbixinta ayaa ka dhici doonta shirweynaha xisbigaasi.

 

Comments are closed