Dadweyne Careysan oo Hoteel uu Buuhoodle ka degenaa ku weeraray Madaxweynaha Khaatumo

buudoodleBuuhoodle (NN) 27/04/2016

Dadweyne careysan ayaa saaka hoteel uu Buuhoodle ka Deggenaa Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeydh ku Weeraray, inkastoo aanay jirin wax khasaare ah oo weerarkaas ka dhashay.

Wariyaha Warbaahinta ee Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa kusoo warrantay in weerarkan maanta ay geysteen dad deegaanka ah oo careysan, iyadoo xustay in rasaas lagu furay hoteelka uu Galeydh ka deggenaa degmada Buuhoodle.

“Falka lagu weeraray Prof. Cali Khaliif Galeydh ayaa waxaa sababay, kaddib markii uu dhegaha ka fureystay dalab shacabka Buuhoodle uga yimid oo ahaa inuu isaga baxo degmadooda, haatanna waxaa socda kulammo lagu qaboojinayo xiisaddaas,” ayay tiri wariye Saynab Cabdi Warsame oo warbaahinta uga soo warranta gobollada Sool iyo Sanaag.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in shacabka deegaanka ee weeraray Hoteelka uu madaxweynaha Khaatumo ka deggen yahay Buuhoodle ay dalbanayaan inuu ka baxo magaaladaas, inkastoo weli uu Prof. Galeydh ku sugan yahay Buuhoodle.

“Dadku waxay dalbanayaan inuu Prof. Cali Khaliif ka baxo magaaladooda, iyagoo ku an-dacoonaya in deegaannadii uu horay ugu sugnaa ay dhawr jeer qabsadeen qaar ka mid ah ciidamada Somaliland, waan taas midda ay ku dalbadeen inuu Buuhoodle isaga baxo,” ayay yiraahdeen dad ku sugan degmada Buuhoodle oo dhankooda la hadlay Warbaahinta.

Ugu dambeyn, Illaa hadda lama oga go’aanka kazoo bixi doona kulammada xiisada lagu Qaboojinayo ee ka socda Buuhoodle, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo Prof. Cali Khaliif lagu weeraro hoteel uu kaga sugnaa deegaannad uu maamulka Khaatumo ka taliyo.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2016/Apr/wararka_maanta27-95742.htm#sthash.rTLu5JIg.dpuf

Comments are closed