Dowladda oo soo bandhigtey rag lagu tuhunsan yahay al-Shabaab oo la soo qabtey

maxaabiisMuqdisho(NN) 27/04/2016

Ciidamada amaanka ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta hawlgal culus ka fuliyey qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo qabtey dad ka badan 100 qof oo lagu tuhunsanaa in ay xiriir la leyihiin al-Shabaab.

Dadka la soo qabtey ayaa la sii daayey intooda badan, waxaana laga soo reebay 15 ka mid ah oo qaarkood qirteen in ay yihiin al-Shabaab sida uu sheegay masuul ka tirsan Dowladda.

Afhayeenka Wasaaradda Amaniga Soomaaliya Cabdi Macalin Shukri ayaa sheegay in ay soo qabteen 15 qof, kuwaas oo afar kamid ah ay qirteen in ay yihiin al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in mid kamid ah dadka la soo qabtey uu dhaawac yahay, waxaana lala soo qabtey dadkii hayey ee guriga ku xanaaneynayey.

Dhanka kale Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtey in ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan kuwii ka danbeeyey weerar habeenkii xalay loo geysteyXildhibaanka

tirsanbaarlamaankafederaalka , kaas oo ay ku dhaawacmeen afar qof oo kamid ahaa ilaalaada guriga Xildhibaan Aadan braahin Dhaayow.

Comments are closed