Kulan looga Hadlyo Amaanka oo lagu Qabtay Xafiiska Madaxweynaha DDSI

jigjigaJigjiga (ESTV) 27/04/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka ee xafiiskiisa kafuray shirkii golaha amaanka ee xiliilaha ahaa.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta hay’adaha amaanka oo ay kamid yihiin janaralka ciidanka difaaca qaranka qaybta koonfur bari mudane janaraal Abraham woldemariam, janaraalka guud ee ciidanka gaarka ah ee Liyuu booliska mudane Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale, hogaamada nabadgelyada iyo taliska kifladoorada deegaanka iyo waliba komishineerada komishinka booliska DDSI.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn furay shirkan ayaa kahadlay ajandaha shirka oo ahaa sii adkaynta iyo xoojinta xaalada nabadgelyada xuduudaha dalka iyo ladagaalanka ururada argagixisada ah sida al-qushaash isagoo sheegay in al-qushaash marka laga eego xaga diinta ay gabbaadka kadhiganayaan ee islaamka aysan waxba ka aqoonin oo kooda ugu sareeya uu dhinaca quraankakagaadhay innaa ac-dhayn oo ay yihiin dad maskaxda laga guumaysto oo faataxada kali ah warqad loogu qoray iyagoo dhinaca dagaalkana ah fullayo markaba dhabarka jeediya oo aan udulqaadan karin xabbada ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka labadaba. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa raaciyay in gawraca alqushaash ay kusamayso shacabka soomaaliya ay katahay hala idinka cabsado oo kali ah ee aysan ka ahayn geesinimo waayo waxay iska celin lahaayeen ciidamada dagaalada fool kafoolka ah lagala ee ay markaba dhabarka uduwayaan. Wuxuuna madaxwaynuhu hadalkiisa kusoo xidhay in alqushaash iyo dadyawga garabka la ah ee kuriyoonaya dhul aysan lahayn ay yihiin cadaw si cad ugu soo gardarooday deegaanka soomaalida. Cidii kusoo gardaroota deegaankana markaaba looga jawaabi doono gardarada sharci darada ah sidii hada kahorba dhacday.

Shirkan ayaana lagu gorfeeyay xaalada nabadgelyada xuduudaha dalka guud ahaan iyagoo halkaana lagu soo bandhigay tabaha taagta daran ee al-qushaash iyo qaabdhismeedkooda oo baryahan danbe qabiilo kuxidhmay. Waxaana lagu soo gabagabeeyay in ladagaalanka argagixisada al-qushaash ee damaaciday meelo kamid ah deegaanka lasii xoojiyo si aysan mar danbe u hawaysaninba.

Ugudanbayna, madaxwaynaha ayaa mahadcelin balaadhan udiray ciidamada qaranka iyo ciidanka gaarka ah ee kusugan xuduudaha dalka guulihii ay kasoo hoyiyeen ladagaalanka argagixisada. Wuxuuna kubooriyay inay halkaa kasii wadaan wadaniyada difaaca iyo naf uhurida dalkooda.

Comments are closed