Warbixin Booqashada Madaxweynaha Jubbaland & wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo

Warbixin Booqashada Madaxweynaha Jubbaland & wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo

JIGJIGA  (ESTV) 29/04/2016

Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Jubbaland Ax’ed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa shalay gaarey magaalada  Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Somalida Itoobiya. Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha Wasiiro xukuumadda Jubbaland, waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada jigjiga.

Booqashada Madaxweynaha Jubbaland ee dowlad deegaanka Somalida itoobiya waxaa ku weheliya wasiirka boostada iyo isgaadhsiinta dawlada soomaaliya mudane Geele Jaamac iyo xubno kale.

Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Jubbaland Ax’ed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Wuxuuna sheegay in madaxda dowlad deegaanka Somalida Itoobiya ay kala hadli doonaan arrimo badan oo ay qayb ka tahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada Ismaamulka. Mudane Axmed oo taas sharraxaya waxaa hadalladiisii kamid ahaa:

“Socdaalkan aan kusoo gaarnay Caasimada Dowladda deegaanka Somalida itoobiya waa mid aan ku xoojinayno xiriirka u dhexeeya labada Ismaamulka, waxaan iska kaashan doonnaa arrimo ay kamid yihiin amniga iyo la-dagaalanka xagjirka khatarta ku ah guud ahaan gobolka, waxaa kaloo aan iska kaashan doonnaa arrimaha kale ee siyaasadda iyo dhqaalahu ay kamidka yihiin”

“Safarkan aan halkan (Jigjiga) ku nimid waa mid taariikhi ah, waxaanu ka faa’iideysan doonnaa horumarrada ka jira magaalada,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland “Waxaan aad ugu farxay sida heerka sare ah ee la iigu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga. Waxaana taas mahaddeeda u celinayaan shacabka iyo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland  oo warbaahinta kula hadlay guriga martida Jigjiga.

Comments are closed