Madaxweynaha GAL-MUDUG iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Maanta Jigjiga Siweyn Laguna Soo Dhaweeyay

Ddsi

Jigjiga  (ESTV) 30/04/2016

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo oo Maanta soo gaaray Caasimada Dowladda deegaanka Somalida itoobiya Ee Magaalada Jigjiga, Waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada jigjiga ku Soo dhaweeyeen Si wadajir ah Madaxweynaha DDSI iyo
Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Jubbaland Ax’ed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed Wuxuuna Sheegay In Madaxda Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya Ay Kala Hadli Doonaan Arrimo Badan Oo Ay Qayb Ka Tahay Xoojinta Xiriirka Ka Dhexeeya Labada Ismaamulka. Mudane Cabdikariim Xuseen Oo Taas Sharraxaya Waxaa Hadalladiisii Kamid Ahaa:“Socdaalkan Aan Kusoo Gaarnay Caasimada Dowladda Deegaanka Somalida Itoobiya Waa Mid Aan Ku Xoojinayno Xiriirka U Dhexeeya Labada Ismaamulka,

Waxaan Iska Kaashan Doonnaa Arrimo Ay Kamid Yihiin Amniga Iyo La-Dagaalanka Xagjirka Khatarta Ku Ah Guud Ahaan Gobolka, Waxaa Kaloo Aan Iska Kaashan Doonnaa Arrimaha Kale Ee Siyaasadda Iyo Dhqaalahu Ay Kamidka Yihiin” “Safarkan Aan Halkan (Jigjiga) Ku Nimid Waa Mid Taariikhi Ah, Waxaanu Ka Faa’iideysan Doonnaa Horumarrada Ka Jira Magaalada,” Ayuu Yiri Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.

1

Magaalada Jigjiga ayaa waxaa maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay madaxweynaha Galmudug, C/kraiin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Dowladda deegaanka Somalida itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,  kulankaas oo ay labada madaxweyne ku saxiixeen heshiis qodob oo gun-dhig u ah sidii loo xallin lahaa colaadda Xuduudda Dawlada Deegaanka Somalida itoobiya ay Ku soo dhuumanayaan Kooxda Al-qushaash oo ka taagan Xuduudda labada Ismaamulka. Kulankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Jubbaland Ax’ed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), xubno wasiirro ah oo ka socda dowladda Somalia.

Wixii Warar Ah Ee Kasoo Kordha Booqashada Cabdikariim Xuseen Iyo Wafdigiisa Ay Maanta Ku Tageen Magaalada Jigjiga Waxaad Kala Socon Kartaan Wararka Soo So Socda Ee NogobNews Haddii ALLE Ogolaado

Comments are closed