Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Xariga ka jaray Dhismayaasha Laba Wasaarad

xasanMuqdisho (NN) 01/05/2016

Iyadoo ay maanta ku beegan tahay 01 May, oo ah Maalinta Shaqaalaha Adduunka ayuu Madaxwaynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ka jaray Xarigga Dhismayaasha Wasaradaha Howlaha Guud iyo Dib u dhiska iyo Wasaraadda Shaqada iyo Shaqaalaha, waxaana xafladdii Xariga looga jarayey ka qayb galay, wasiirrada wasaaradahaas Inj. Saalax Shiikh Cusmaan iyo C/weli Sh. Ibraahim Muudeey, xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir, safiirka Turkiga ee Somalia iyo Marti-sharaf kale.

 

2

Madaxwayne Xasan oo ku hor-maray xafladda xarigga looga jarayay  wasaarada Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta ayaa waxaa kusoo dhoweeyay Wasiirka  Wasaaraddaas Inj. Saalax Sh. Cusmaan oo ay wehliyaan shaqaalaha wasaaradiisa kuwaasoo ku faraxsanaa inay mar kale wasaaraddoodii dib ugu shaqeeyaan.

3Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud  Ing Saalax Shiikh Cismaan ayaa ugu horayn warbixin ka siiyey Madaxwaynaha  heerarkii uu soo maray Dayactirka Wasaarada waxa uuna hoosta ka Xariiqay in Dhismaha Wasaaradda ay Qayb ka qaaateen Ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqsiyaad kaloo muhiim ah oo uu ka xusay marwada madaxwaynaha, Wuxuuna Carrabka ku dhuftay inaysan illaawi doonin kaalintii ay dayac-tirka wasaarada ka qaateen maamulka  Gobolk Banaadir, Dowladda Turkiga iyo Hayadda SSG.

Madaxwayne Xasan, ayaa markuu xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Hawlaha Wuxuu soo kormeeray Qaybaha ay ka kooban tahay Wasaaradda Howlaha Guud, Waxaana xafiis walba oo uu galo ay kusoo dhawaynayeen Shaqaalaha Wasaaradaas, waxaa kaloo uu xariggana ka jaray Sheybaarka Wasaaradda Hawlaha Guud oo lagu eegayo tayada Qalabka dhismaha ee dalka la keeno.

Dhinaca kale, Madaxwaynaha Somalia ayaa isla manta xarigga ka jaray xarunta Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Dayac-tir lagu sameeyay, iyadoo ay ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradaas C/weli Ibraahim Muudeey. Intaa kaddib waxaa xarunrta Wasaarada Shaqada lagu qabtay Xaflad lagu Xusayay 01-da May oo ku beegan maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo halkaas ka hadlay  ayaa hambalyo kadib Wasiirrada kale u soo jeediyay, inay dib u dayac-tirtaan Xarumaha Wasaaradooda, kuna daydaan Wasiirrada Maanta xarigga looga jaray Dayac-tirka ay Wasaaradahooda ku sameeyaan.

Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha Somalia wuxuu sheegay inay Dowladdu ku qasban tahay inay shaqo u abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax-bartay, iyadoo Wasiirka shaqada & Arrimaha bulshada ka codsaday inuu furo sanduuq lagu daryeelo naafada Soomaaliyeed, wuxuuna ka dhawaajiyay inuu yahay shaqsiga 1-aad ee billaabaya.

 

Comments are closed