Daawo Ciraaq: Ciidamada amaanka oo la wareegay Xarunta Baarlamaanka & Bandow lagu soo rogay Baqdaad

Followers of Iraqi Shi'ite cleric Moqtada al-Sadr hold a sit-in at Grand Festivities Square within the Green Zone in Baghdad, Iraq, May 1, 2016. REUTERS/Thaier Al-Sudani

Followers of Iraqi Shi’ite cleric Moqtada al-Sadr hold a sit-in at Grand Festivities Square within the Green Zone in Baghdad, Iraq, May 1, 2016. REUTERS/Thaier Al-Sudani

Ciraaq (NN) 02/05/2016

Ciidamada Amaanka ee dowlada Ciraaq ayaa la wareegay xarunta Baarlamaanka oo ay Sabtidii xoog ku galeen kumanaan taageerayaasha Wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Al Sadar kuwaasi oo muddo dheer ku mudaharaadayey xukuumada.

Baqdaad Green Zone

Dowlada ayaa sheegtay in la xiri doono qofkii lagu arko xarumaha dowlada, iyadoo ay ciidamada ku guuleysteen inay dib uga saaraan deegaanka loo yaqaan Green Zone dadkii halkaasi xooga kusoo galay.

Xiisadan ayaa soo socotay muddo bilo ah iyadoo wadaadka Muqatada Al Sadar ku eedeenayey xukuumada mid musuq maasuq ah, isla markaana lasoo dhiso xukuumad cusub.

Balse isbedalkii uu Raysalwasaaraha Hayrad Al Cabadi uu ku sameeyey xukuumadiisa ayaa caqabado kala kulmay Baarlamaanka oo diiday in la garab maro awood qeybsiga nidaamka 4.5 ee dalkaasi ka jira. Waxayna xildhibaanada ku doodeen in si siman loogu qeybiyo awooda Shiicada, Sunnida, Kurdida, Kirishtaanka iyo Carabta kale ee dalkaasi degen.

Sabtidii ayey magaalada Baqdaad isaga carareen in ka badan 150 Xildhibaan oo u badan Sunni iyo Kurdi kuwaasi oo u baxsaday dhanka ismaamulka Kurdida ee waqooyiga Ciraaq kadib markii ay ka cabsadeen in dhibaato ay u geystaan taageerayaasha shiicada Muqatada Al Sadar ee xarunta Baarlamaanka xooga ku galay.

 

Comments are closed