Ingiriiska oo 10 askeri Soomaaliya u soo dirtey kuwaas oo shaqadoodu tahay nabad ilaalin

ukMuqdisho (NN) 02/05/2016

War ka soo abxay Wasaaradda Gaashaandhigga Midowga Boqortooyada (UK) ayaa lagu sheegay in koox ka tirsan ciidanka Britian loo direy Soomaaliya kuwaas oo shaqadoodu tahay nabad ilaalin iyo la dagaalanka argagixisada.

10 Askeri oo ka tirsan ciidanka Force Troop Command guutadiisa kowaad ayaa la sheegay in ay tababari doonaan ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira al-Shabaab sida warka loo dhigay.

Kooxda yar ee la soo direy ayaa la sheegay in ay qayb ka yihiin 70 kale oo la geyn doono Soomaaliya kuwaas oo fulin doona arrimo Caafimaad, Saadkao iyo  arrimo la xiriira farsamada gacanta.

Horey waxaa Soomaaliya u joogey ciidamo ka socda reer galbeedka kuwaas oo hoostaga shrikad laga lee yahay dalka maraykanka oo qandaraas ku qaadatey tababarada, taas oo lagu magacaabo Bancroft global.

Warka ka soo baxay gaashaandhigga Midowga Boqortooyada ayaa lagu sheegay in dalka Suudaanta Koonfureed loo direy 300 oo askeri.

Comments are closed