Kalfadhigii 11aad Ee Golaha Kabineega DDSI

1Jigjiga (ESTV) 02/05/2016

Waxaa saaka si habsami leh uga furmay hoolka shirarka ee Xafiiska Madaxwaynaha kal-fadhigii 11aad ee Golaha Kabineega DDSI.

Hadaba kalfadhigan ayaa waxaa furay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Isagoo ajandayaashii kulankan oo ahaa:- Dagdag u dhamaystirida mashaariicaha waawayn ee kasocda heer deegaan ilaa heer degmo iyo dardar-galinta hawlaha waxbarashada soo hordhigay Golaha Kabineega DDSI.

Golaha Kabineega ayaana si wayn u falanqeeyay ajandayaasha shirkan iyadoo si durba loo dhameeyo mashaariicaha waawayn political leaders dardargaliya oo dabagala lagu kala qoray si mudo bil ka-yar loogu soo gaba-gabeeyo iyo in xooga lasaaro daradar-galinta, dabagalka, iyo hawlgalinta macalimiinta si looga midho dhaliyo qorshihii waxbarashada ee sanadkan.

Ugudanbayna kalfadhigan ayaa waxaa la iskula qaatay in wakhti gaaban gudihii lagaga midho dhaliyo ajandayaashii lasoo bandhigay.

Comments are closed