10-Qof dhimasho Shuban ka dilaacay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose

boramaBaraawe (NN) 05/05/2016

Ugu yaraan 10-qof ayaa u dhintay cudurka shubanka oo ka dillaacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo isugu jiray Dad waa-weyn iyo carruur.

Guddoomiyaha degmada Baraawe, Xuseen Barre [Xuseen Jeex] oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in cudurkan uu ka dillaacay degmada 25-kii bishii Abriil, Isbitaalka Degmadana la keenayo maalin walba dad badan oo cudurkan uu soo ritay.

“Cudurka shuban-biyoodka oo Soomaalidu u taqaanno Daacuunka ayaa Degmada Baraawe ka Dillaacay, kaasoo ay u dhinteen Tobaneeyo qof oo caruur iyo dad waa-weyn isugu jiray, isbitaalkana ma yaallaan dawooyin ku filan oo lagula tacaali karo cudurkan,” ayuu Xuseen Jeex yiri.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay in doraad ay kulan qabteen maamulka, waxgaradka iyo culumada degmada Baraawe, ayna baaq u direen Wasaaradaha Caafimaadka Dowladda Federaalka Somalia, tan Koonfur-galbeed iyo hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka.

“Dalabkeennii waxaa kasoo jawaabtay wasaaradda caafimaadka Koonfur-galbeed, iyagoo noo keenay 31-kartoon oo ay ku jiraan falleebooyin iyo dawooyinka kale ee lagula tacaalo shubanka,” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiyaha Baraawe.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Baraawe oo sii hadlaya ayaa sheegay inay codsiyo kale u dirayaan Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federalka Somalia iyo Hay’adaha kale ee ka shaqeeya Caafimaadka, isagoo sheegay inay Weydiisanayaan inay lasoo gaaraan dawooyin lagula tacaalo cudurka.

 

Comments are closed