Ra’iisul Wasaaraha Dalka Turkiga oo si Rasmi ah u shaaciyay Maanta inuu iska-casilayo Jagadiisa

turkigaTurkiga (NN) 05/05/2016

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa ku dhawaaqay maanta oo Khamiis ah inuu is-casilayo, isagoo xusay in uusa mar kale doonayn in uu qabto Xilka RW-ha Turkiga, kaddib khliaaf Siyaasadeed oo soo dhex-galay isaga iyo madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Davutogle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, ayaa ugu baaqay xisbiga talada haya ee AKP midnimo, isagoo sheegay inuu rajeynayo in xilka Hog-gaanka Xisbiga ay u doortaan mas’uul kale oo waayo-arag ah.

“Runtii kama shalaynayo go’aanka aan qaatay ee is-casilaadda ah,” ayuu yiri Davutogle oo war-fidiyeenka kula hadlayay Ankara, isagoo intaas ku daray. “Is-casilaaddeydan ma ahan  go’aan aan anigu qaatay, balse waa mid daruuri ah.”

Sidoo kale, RW Turkiga ayaa xusay inuu kasii mid ahaanayo xisbiga, isagoo intaa ku darya in uu halkaas kasii wadi doono Halgankii. Isagoo xusay in daacad uu u yahay Madaxweyne Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uuna ka ogolaaday in uu ka dago xilkii uu markii horeba isagu u magacaabay.

turkiXisbiga talada Turkiga haya ee AKP ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulan deg-deg ah yeesho 27-ka bishan May, ayna doortaan hogaan cusub oo xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga kala wareega Davutoglu.

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga ayaa qorsheynayay inuu 02-dii bishan May safar ku tago dalka Mareykanka, si uu ugala hadlo Madaxweyne Barack Obama iyo weliba ku xigeenkiisa, Jo Biden hadlo caro dhaliyay oo ay baahisay warbaahinta Turkiga, laakiinse safarkiisaas wuu baajiyay.

Erdogan iyo Davutoglu ayaa kulmay Arbacadii, laakiinse is-mari-waa ayuu ku Dhamaaday kulankooda. Iyadoo Davutoglu uu kasoo hor-jeestay qorshe la doonayo in wax looga bedeli dastuurka, awood dheeraad ahna siinaya madaxweyne Erdogan.

Khilaafka soo dhex-galay labada siyaasi ayaa yimid kaddib markii xubnaha guddiga fulinta ee xisbiga AKP oo 50-xubin ah ay ka hor-joogsadeen RW Turkiga xubno uu u magacaabay xilal gobol.

Ugu dambeyn, Murankan Siyaasadeed ayaa kusoo beegmaya xilli Turkiga uu dadaal weyn ugu jirto sidii ay uga mid noqon lahaayeen Dalalka xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub, si looga hor-tago Qul-qulka Qoxootiga galaya Yurub ee kazoo cararaya Wadamada Aasiya oo qaarkood ay colaado ka socdaan sida dalka Suuriya.

 

Comments are closed