Wasiirka Amniga Puntland oo ku dhaawacmay Is-rasaaseyn Dhex-maray Ilaalada Taliyeyaal Ciidan

boosaao1Boosaaso (NN) 05/05/2016

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab, ayaa ku dhaawacmay maanta Is-rasaasayn dhex-martay ilaalada Taliyeyaasha ciidamada Birmad-ka iyo Booliiska Puntland, kuwaaso ku dagaallamay goob ay ka socotay tira-koob ciidan.

Dagaalkaan, ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay sagaal Askari oo ka mid ah ciidamada labada taliye Af-gaduud iyo Af-dalow oo kala Hoggamiya Ciidanka Booliiska iyo Birmad-ka Puntland.

Wasiirka oo dhaawaciisa fudud yahay, ayaa lagu dabiibayaa isbitaal Boosaaso ku yaalla, waxaana halkaas ku booqday Madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan xukuumadda Puntland.

Sidoo kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in labadda taliye ee maanta ciidamadooda uu iska-horimaadka dhexmaray uu horay ugu dhexeeyay Khilaaf la xiriira dhinaca shaqadda ciidamada.

Ugu dambeyn, Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas la filayo inuu dhawaan isku shaandheyn ku sameeyo Wasiirrada iyo Taliyeyaasha ciidamada Puntland.

 

Comments are closed