Dowlad Deegaanka Garissa oo Caawinaysa Beeraleyda Degmada

gaarisaGaarisa (NN) 06/05/2016

Dawlada Degmada Garissa ayaa shaaca ka qaaday inay caawin doonto beeraleyda degmadaasi Garissa oo dhawaan ay saameeyeen daadad iyo webiga Tana oo kusoo fatahay beerahoodii.

Sidoo kale ayaa dawlad deegaanka Garissa waxay eedeyn usoo jeedisay shirkada korontada ee marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqaano KenGen oo ay sheegtay ayana inay biyo beeraha degmadaa kusoo deyso arintaasoo khasaare u keenta beeraleyda isla markaana wax u dhinta wax soo saarka beeraha.

Beeraleyda Garissa ayaa waxaa saamayn ku yeeshay roobab da’ay bilihii ugu dambeeyay ee kal hore iyo roobabka haatan gobolka ka da’aya.

Webiga Tana ayaa hareer mara magaalada Garissa ayadoo ay beeraleydu ugu tiirsan yihiin arimaha waraabka balse roobab mahiigaan ah markii ay hooraan ayaa dhibaato ah fatahaad ay lasoo daristaa beeraleydaasi Garissa.

Qaar ka mid ah beeraleyda ayaa haatan aan awoodin inay galaan beerahooda daadad aawadood.

Beeraleydaa ayaa warbaahinta usheegay in uu soo gaaray khasaare dhan  2.9 bilyan oo shilinka Kenya ah 5tii sano ee lasoo dhaafay.

Comments are closed