Daawo Odinga: Hadii la i doorto Ciidamada Kenya 1 sano gudaheed baan uga soo saarin Soomaliya

odhhigaKenya (NN) 06/05/2016

Hogaamiyaha Mucaaridka dalka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in hadii xilka Madaxweynaha loo doorto Doorashada sanadka soo socda in muddo hal sano gudaheed ah uu ciidamada Kenya uga soo saari doono wadanka Soomaaliya.

 

Raysalwasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo ka qeyb galay barnaamijka Head to Head ee ka baxa telefishinka Aljazeera ayaa su’aalo kulul lagu weydiiyey barnaamijkiisa doorashada soo socota.

Odinga ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin Musuq maasuqa ka jira Kenya, ciidamada Kenya Soomaaliya ka jooga iyo fashilaadii ku timid dacwadii Maxkamada Caalamiga ah ee ICC ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Wuxuu sidoo kale aad u dhaliilay gudiga Doorashada ee Kenya, isagoo ku goodiyey in aysan ka qeyb geli doonin doorashada soo socota hadii aan si deg degleh wax looga bedalin guddiga hada jira ee Doorashada oo uu ku tilmaamay kuwo aan dhex dhexaad ahayn.

Raila Odinga ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo in markale ay rabshado ka dhacaan xiliga doorashada hadii aan hada wax laga qaban arrimaha ay ka cabanayaan. Raysalwasaarihii hore ayaa docda kale qiray musuq maasuqa la degay dowlada isagoo sheegay in wakhtiguu xilka hayey laftiisa loo keenya dhaqaalo musuq maasuq ah balse uu diiday.

Barnaamijka oo dhameystiran ayaa caawa marka ay saacada Bariga Afrika tahay 23:00 (20:00 GMT) ka bixi doona telefishinka Aljazeera.

 

Comments are closed