Shirkii Qorshaha Horumarinta Xoolaha Oo La soo Gabagabeeyay.

ddsiJigjiga (ESTV) 06/05/2016

Waxaa  hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee xarunga deegaanka  lagu soo gabagabeeyay shir   lagaga hadlayay qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaah GTP2 qaybtiisa dhinaca horumarinta xoolaha oo mudo 3maalmood ah socday.

shirkaa  oo loo hayay hogaaminta heerar keeda kala duwan ayaa  waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed faarax, wasiirka xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga mudane Cabdinuur Colow iyo masuuliyiin heer faderaal ah oo uu ugu horeeyo  wasiirka wasaarada xoolaha iyo Kaluunka JDFI mudane Selashe  Getaye,

sucaad

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa soo xidhitaankii shirkaa ka soo jeediyay khudbad uu kaga warbixiyay soonyaalkii taariikheed ee ay soo mareen xoolaha deegaanka iyo bulshada xoolo dhaqatada ah  gaar ahaan  dhibaatooyinkii ku xeernaan jiray bulshada  xoolo dhaqatada  deegaanka. Wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in dadaal dheer oo loogalay sanadihii ugu danbeeyay lagu guulaystay in kor looqaato tayada xoolaha deegaanka islamarkaana la hirgaliyay suuqgaynta xoolaha deegaanka, madaxwaynaha ayaa sheegay in qorshahan isbadalka  koboca dhaqaalaha qayntiisa 2aad  ee dhinaca xoola xooga  la saarayo sidii loo sii awood siinlahaa  tayada xoolaha deegaanka iyo suuqgayntooda gaar ahaan wax soo saarka xoolaha sida hilibka, caanaha iyo  subaga taasi oo lagaga faa’iidaysandoona dhinaca warshadaha  maadaamo oo ay bulshada deegaanku u badan tahay xoolo dhaqato.

ddswasiirka wasaarada xoolaha iyo Kaluunka  JDFI mudane Selashe Getaye oo ka hadlay gabagabadii kulankaasi ayaa sheegay in deegaanka soomalida itoobiya hodan ku yahay xoolaha nool iyo dhul  ku haboon saaqsinta xoolaha wuxuuna sheegay wasiirku in hadda loo furay albaabadii suuqgaynta xoolaha deegaanka. Waxa kale oo uu tilmaamay   wasiirku in kulankan mudadii uu socday lagaga wada hadlayay  hirgalinta qorshaha GTP2ga  ee dhinaca horumarinta xoolaha iyo ka faa’iidaysiga xoolaha.   Wuxuuna sheegay in kulanka noocan oo kale ah laga hirgalinayo dhamaanba deegaanada dalka wasiirka ayaa kula dar-daarmay hogaaminta heerarkeeda kala duwan in ay sii wadaan dadaalka ay ku horumariyeen xoolaha deegaanka.

 

Comments are closed