Dhaawaca Wasiirka Amniga Puntland oo Maanta loo qaaday Dalka Jabuuti si loogu soo Daweeyo

jabuutiJabuuti (NN) 07/05/2016

Dhaawaca wasiirka amniga Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qar-jab oo Maalin ka hor ku dhaawacmay is-rasaaseyn Ciidammo ka tirsan booliska iyo kuwa Birmadka Puntland ka tirsan ku dhexmaray Magaalada Boosaaso ayaa loo Qaaday Maanta dalka Jabuuti, si loogu soo daweeyo.

Wasiirka Amniga Puntland, ayaa ka dhaawacmay qaybta hoose ee jirka, iyadoo la arkayay markii diyaaradda la saarayay, iyadoo garbaha laga hayo, iyadoo diyaaraddii lagu qaaday uu horay u sii raacay Madaxweynaha Puntlad iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Jabuuti uga qayb-galaya caleema-saarka madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loo doortay bishii lasoo dhaafay.

“Wasiirka xaaladdiisa caafimaad waa id wanagsan, isaga ayaana soconayay markii garbaha la hayay, ujeeddada loo qaadayna waa inuu hela daaweyn Wanagsan, si uu dhaqso ugu soo bagsado,” ayuu saxaafada u sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda Amniga Puntland.

Illaa hadda ma jirto warbixin maamulka Puntland uu kasoo saartay is-rasaaseyntii ciidanka kawada tirsan kuwa Puntland oo ilaalo u ahaa laba sarkaal oo kala hoggaamiyaha booliiska iyo kuwa birmadka Puntland.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xirsi Qar-jab ayaa tan iyo markii uu soo gaaray dhaawaca Khamiistii hore, waxaa lagu daweynayay isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso.

 

Comments are closed