Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Faroole oo lagu Casuumay Xuska 18-ka May ee Somaliland

falooleHargeysa (NN) 07/05/2016

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa lagu marti-qaaday xuska gooni-isu-taagga Somaliland oo ku beegan 18-ka bishaan May, 2016-ka.

 

Saraakiil ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa Warbaahinta Somaliland u sheegay in si Rasmi ah loogu casuumay siyaasiyiintan Xuska 18-ka May, iyaguna way kasoo jawaabeen marti-qaadka oo ay aqbaleen.

“Waxaa si rasmi ah loogu casuumay Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Faroole inay ka soo Qayb-galaan xuska 18-ka May ee sannadkan, iyaguna way Aqbaleen inay ka soo qayb-galayaan dabaal-dagga,” ayay saraakiishu warbaahinta ugu sheegeen maanta Hargeysa.

Xubno ka tirsan Guddiga Aqoonsi-raadinta Somaliland, ayaa iyaguna waxay sheegeen inay u soo bandhigeen Xukuumadda Somaliland Aragtidaan ku aaddan in mas’uuliyiintan ay ka soo Qayb-galaan dabaal-dagga, xukuumaduna ay ka aqbashay soo jeedintooda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Shariif Shiikh Axmed iyo C/raxmaan Faroole ay ka jeedin doonaan dabaal-dagga khudbado ay kaga hadlayaan aragtidooda ku aadadn Somaliland iyo wixii u qabsoomay muddadii uu jiray.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo maamulka Somaliland ay si rasmi ah ugu Casuumaan maalinta loo Dabaal-dago Gooni-isku-taaga Somaliland siyaasiyiin xilalka ugu sarreeya kasoo qabtay Soomaaliya.

Dhanka kale, Inkastoo Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Faroole bilo ka hor ku tagay magaalada Hargeysa booqasho ayaa haddana waxay dhinaca kale noqonaysaa markii ugu horreysay oo madaxweynihii Xukuumaddii KMG-ka ahayd ee Somalia Shariif Sheekh Axmed uu tago Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Ugu dambeyn, Somaliland ayaa waxay toddobaadka soo socda oo ay bishan May 18-ka ku beegan tahay u Dabaal-dagayaan 25-sano guuradii kasoo Wareegtay markii si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Comments are closed