Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo sheegay xilliga ay isticmaalayaan Nukliyeerka

kuriyaKuuriya (NN) 008/05/2016

 

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in dalkiisu aanu isticmaaleyn hubka wadarta wax u gumaada ee Nukliyeerka, haddii aan lagu soo xadgudbin qaranimadooda. Sidaas waxaa lagu sheegay war laga sii daayey warbaahinta Dowladda oo laga soo xigtey hoggaamiyahooda.

Kim Jong-un ayaa ka hadley shirkii ay isugu yimaadeen ergooyinka Xisbiga Shaqaalaha ee dalkaas, kaas oo ka furmey caasimada Pyongyang, waxaana ka qaybqaadanaya kumaankun ka mid ah golaha dhexe ee xibigaas.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in xiriir caadi ah la yeesho dalalka ay sida weyn isu hayaan sida Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, sida laga sii daayey warbaahinta KCNA.

Hadalka ka soo baxay Kim Jong-un ayaa ah mid aan looga baran oo ka duwan hadaladiisi hanjabaada iyo goodiga ku dhisnaa.

Comments are closed