Madaxweynaha Jabuuti oo Maanta la Dhaariyay isagoo sheegay inuu Dalka Gaarsiinayo Horumar

geeleJabuuti (NN) 08/05/2016

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markii 4-aad loo caleemo-saartay loona dhaariyay xilka madaxweynenimo ee dalka Jabuuti, kaddib markii xilka loo doortay horraantii bishii lasoo dhaafay ee Abriil, 2016-ka.

 

Xafladda Caleemo-saarka Geelle, ayaa waaxa ka Qayb-galaya madaxda Gobolka oo uu ka mid yahay; Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo kuwa Maamul-goboleedyada Puntland iyo Somaliland, waxaa kaloo goob-joog ka ahaa madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Caleemo-saarna Geelle ayaa waxaa joogay madaxweynayaasha dalalka Sudan, Cumar Xasan Al-bashiir, Rwanda, Paul Kigame, RW Itoobiya, Haile-mariam Desalegn iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Bariga Afrika, Waxaana dhamaantood ay u hambalyeeyeen Madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu hor-dhaariyay Dadweynaha iyo Martidii xafladda joogtay, Wuxuuna ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono Midnimada iyo Wadajirka ummadda Jabuuti, sidoo kalena wuxuu ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono horumarinta dalka iyo dadka Jabuuti.

“Waxaan magaca ILAAHAY ugu dhaarayaa inaan cuskan doono kitaabka Alle iyo weliba sunnadii Rasuulkeenna SCW, kana shaqeyn doono Horumarka iyo Midnimada dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee markii 4-aad ii doortay xilka madaxweynaha ina siiyay kalsoonidooda. Waxaanan ku dhaqmi doonaa dastuurka & shuruucda kale dalka, ilaaliyana xorriyadda shacabka iyo tan waddan Jabuuti,” ayuu Geelle yiri markii uu dhaaranayay.

itobiyaIntaas kaddib, Geelle oo khudbad ka jeediyay xafladii dhaarintiisa ayaa si guud uga hadlay waajibaadka saaran iyo qorshihiisa hoggaamineed, wuxuuna yiri, “Sida markhaati ka tihiin aad arkaysaan ALLE hortiisa iyo hortiinna ayaan ku dhaartay… waxaana dhabarka saartay inaan waddankan horumar gaarsiiyo. Hawsha la ii ig-maday waxaan ku gudan doonaa si ay ku jirto waayo-aragnimo iyo daacad, anigoo ogsoon xilkan culus ee ay i saareen Shacabka reer Jabuuti oo ah shacabkeyga, Waxaanan Shanta sano ee soo socota ku hoggaamin doona waddada horumarka mustaqbalka.”

Ugu dambeyn, Hoggaamiyeyaashii kale ee ka hadlay xaflada ayaa iyaguna sheegay inay la shaqeyn doonaan madaxweynaha dalka Jabuuti, ayna gacan ku siin doonaan sidii xilka loo doortay markii afaraad uu u gudan lahaa.

Comments are closed