EU-da oo ciidamo la dagaalama Argagaxisada geenaysa xeryaha Qaxootiga

yurub

Giriiga (NN) 09/05/2016

Hay’ada amniga ee Midowga Yurub ee loo yaqaan EUROPOL ama booliiska Midowga Yurub ayaa sheegay inay wadaan qorshe ah in askar la dagaalanta kooxaha argagaxisada la geeyo xeryaha qaxootiga ee ku yaal dalalka Giriiga iyo Talyaaniga.

 

Ciidamadan ayaa baaritaan ku sameyn doona in qaxootiga soo galaya dalalkaasi ay wax xiriir ah la leeyihiin kooxaha argagaxisada oo laga cabsi qabo inay isku soo dhex qariyaan dadka tahriibta ku gala qaarada Yurub.

xeryaha-Eu-da2
Agaasimaha Hay’ada la dagaalanka argagaxisada ee Midowga Yurub Mr.Manuel Navarrete ayaa saxaafada u sheegay in hada tababaro loo soo xirayo ciidamadaasi dhawaan hawlgeli doona.

Dalalka Yurub ayaa si weyn uga cabsi qaba khatarta uga imaan karta kooxaha Daacish iyo Al Qacida oo horey u sheegay inay usoo diri doonaan dagaalyahano weeraro ka geysta wadamada Midowga Yurub, waxaana la rumeysan yahay in qeyb kamid ah kooxdii geysatay weerarkii Paris ee dhamaadkii sanadkii hore ay isku soo dhex qariyeen dadka qaxootiga si aan loola socon dhaq dhaqaaqooda.

Comments are closed