Kuwait: Wadahadalkii Kooxaha ku dagaalamaya Yemen oo hakaday

kuwat

Kuwait (NN) 09/05/2016

Waxaa gebi ahaan joogsaday wadahadalkii fool ka foolka ahaa ee magaalada Kuwait uga socday wafuuda dowlada Yemen iyo kooxda Xuuthiyiinta, kadib markii la isku mari waayey qaar kamid ah qodobada miiska saarnaa.

 

Wafdiga ka socda dowlada Yemen ee Cabdulrabi Mansuur Hadi ayaa sheegay inay shirka isaga baxeen kadib markii wafdiga ka socda dhinaca Xuuthiyiinta ay caqabad ku noqdeen wadahadalka oo lagu waday in Axadii shalay dib u furmo.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa sidan oo kale shirka loo hakiyey kadib markii Dowlada Yemen ku eedaysay kooxda Xuuthiyiinta inay jabiyeen xabad joojintii lagu dhawaaqay, kadib markii ay Xuuthiyiinta duqeeyeen magaalada Ticis.

Wadahadalka ka socda Kuwait ayaa waxaa garwadeen ka ah Qaramada Midoobay oo hada wada kulan ay si gaar gaar ah ulla yeelaneyso labada dhinac oo laga cabsi qabo inay ka dhoofaan magaalada Kuwait oo uu shirka ka socday.

Qaramada Midoobay ayaa sanadkii lasoo dhaafay labo goor ku fashilantay dhex dhexaadinta kooxaha ku dagaalamaya wadanka Yemen.

Comments are closed