Madaxweeynaha Jubaland oo sheegay in uu dhawaan ku dhawaaqayo golihiisa wasiirada

axmedKismaayo (NN) 09/05/2016

Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dhawaan uu soo dhisi doono golihiisa wasiirada.

Madaxweeynaha ayaa xusay in hadalheynta ugu badan ee ah in uu waqtiga uu kusoo dhisayo golihiisa wasiiradauu kordhisan doono ay tahay wax kama jiraan dhawaanna uu soo dhisi doono golihiisa wasiirada.

Baarlamanka Jubaland ayaa 27-ka bishii March ee sanadkan fadhi ay ku yeesheen magaalada Kismaayo waxa ay 45 maalmood oo dheeri ah ugu kordhiyeen madaxweeynaha mudada uu kusoo dhisayo golihiisa wasiirada, waxaana waqtiga madaxweeynaha loo qabtay ka harsan wax ka yar 15 maalmood.

Waxaa xusid mudan in sedex mar oo hore ay mudaneyaasha baarlamanka Jubaland waqti kordhin u sameeyay madaxweeynaha si uu u helo waqti ku filan oo uu kusoo dhiso xukuumadda tayo leh.

Madaxweeynaha ayaa lagu wadaa in maalmaha foodda nagu so ohayo uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirada, ayadoo magaalada laga dareemayo hadalheynta ku aadan xubnaha wasiirada cusub ee la filayo in lasoo dhiso.

Comments are closed