Wefdi Maraykanka ka socdey oo Dowladda kala hadley Doorashooyinka 2016

muqdishoMuqdisho (NN) 09/05/2016

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali, ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo uu horkacayey Madaxa arrimaha Africa ee xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Mr Bruce Wharton.

Madaxweynaha ayaa wafdiga Mareykanka uga warbixiyey horumarka siyaasadda, diyaargarowga doorashooyinka 2016, arrimaha amniga, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo xiriirka labada dal.

usa

Wafdiga Mr Wharton oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan xafiiska safaaradda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah xusay doorashooyinka sannadkan dhacaya oo ay ku tilmaamen kuwo muhiim u ah xasiloonida dalka iyo tan gobolka.

Mr Wharton ayaa sheegay in Mareykanka uu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya, isla ma markaana taageeradaasi sii socon doonto ilamaa ay Soomaaliya ay dib cagaheeda isku taagto.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wafdiga Mareykanka Kala hadley dib u dhiska iyo isku dhafka ciidammada Soomaaliya, iyo weliba sida dowladda Federaalka ay uga go’an tahay in bisha August ay Soomaaliya yeelato baarlamaan cusub, haatanna baarlamaanka uu ka shaqeynayo sharciyadda nidaamka doorashooyinka ee 2016.

Beesha caalamka oo Maraykanku u horeeyo ayaa laga sugayaa dhaqaalaha ku abxaya doorashooyinka 2016.

Comments are closed