Daawo Brazil: Xiisad horleh ee xil ka qaadista Madaxweyne Rousseff

brazil

Brazil (NN) 10/05/2016

Kadib mooshinkii uu ansixiyey Golaha Shacabka ee dalka Brazil 17kii April ee ahaa in maxkamada lasoo taago Madaxweyne Dilma Rousseff ayaa waxaa go’aankaasi wax kama jiraan ku tilmaamay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka.

 

Waldir Maranhao oo todobaadkan qabtay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay codbixintii golaha ka dhacday 17kii April inay ahayd mid si khaldan loo qaaday, isla markaana aysan waxna ka jirin mooshinkaasi horey loo ansixiyey oo hada horyaal golaha odayaasha (Senate-ka).

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Eduardo Cunha ayaa khamiistii lasoo dhaafay waxaa xilkii ka xayuubiyey Maxkamada Sare ee dalkaasi oo ku eedaysay arrimo la xariira xatooyo Qaran iyo Musuq Maasuq. Wuxuuna kamid ahaa xubnihii sida weyn u taageersanaa mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Rousseff.

Go’aanka cusub ee Baarlamaanka kasoo baxay ayaa waxaa soo dhaweeyey taageerayaasha Dilma Rousseff oo xalay si weyn u dabaal degay hakinta mooshinkaasi horey loo ansixiyey.

Balse Afhayeenka Golaha Sare ee Sanetka ayaa dhankiisa sheegay in go’aanka Guddoonka cusub ee Baarlamaanka uusan wax isbedal ah ku keeni doonin mooshinkii horey loo ansixiyey oo hada horyaal golaha Senateka isagoona sheegay in Golaha Senateka uu go’aan ka gaari doono arrintaasi balse aan mooshinkan sinaba dib loogu celin karin Golaha Shacabka oo horey codkooda ugu ansixiyey.

Xiisadan horleh ayaa u muuqata markan in ay ka dhex aloosantay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka iyo Aqalka Sare ee Sanetka oo ku adkeysanaya in mooshinkii hore uu yahay ansax. Hadii Golaha Senateka u codeeyo in xilka laga qaado Madaxweyne Rousseff waxay ku khasbanaan doontaa haweenayda Madaxweynaha ah inay xilka ka degto inta Maxkamada baareyso dacwadaha la xariira Musuq maasuqa ee lagu soo eedeeyey.

Comments are closed