Daawo Philippines: Madaxweynaha Cusub oo lagu wado inuu noqdo Siyaasi Xagjir ah

phili

Philippian (NN) 10/05/2016

Natiijada Doorashada Madaxweynaha dalka Philippines (Filibiin) oo Isniintii shalay dhacday ayaa muujineysa in cododka ugu badan uu helay siyaasi xagjir ah oo lagu magacaabo Rodrigo Duterte.

 

Mr.Rodrigo Duterte ayaa horey usoo noqday Duqa magaalada Davao ee wadankaasi Filibiin, waxaana lagu tilmaamaa siyaasi xagjir ah balse hadaladiisa adag kusoo jiitay in badan oo kamid ah shacabka dalkaasi.

Siyaasigan ayaa balan qaaday haduu noqdo Madaxweynaha Filibiin inuu dili doono ama qisaasi doono dhamaan maxaabiista danbiyada culus galay ee xabsiyada lagu hayo, wuxuuna balan qaaday inuu sanad walba dili doono maxaabiis gaareysa kumanaan.

Murashax Duterte ayaa sidoo kale sheegay inuu xilka ka xayuubin doono oo uu xabsiga dhigi doono Mas’uuliyiinta dowlada iyo Saraakiisha sare ee ciidamada oo lagu helo wax musuq maasuq ah. Wuxuuna balan qaaday inuu dhaqaalaha wax ka qaban doono.

Hase yeeshee siyaasigan ayaa ah nin aan ka gaban inuu sheego wuxuu aaminsan yahay, wuxuuna hada kahor isagoo bixinaya wareysi uu qirtay inuu gacantiisa kusoo dilay sadex qof. Siyaasigan ayaa lagu tilmaamaa kan ugu xagjirsan siyaasiyiinta dalka Filibiins balse taageero ku helay balan qaadkiisa la dagaalanka musuq maasuqa iyo burcada.

Magaalada Davao oo uu Guddoomiyaha kasoo ahaa sanadihii lasoo dhaafay Mr.Duterte ayey ka dhaceen dilal badan oo loo geystay qaar kamid ah hogaamiyaasha burcada caanka ah, wuxuuna horey u qirtay inuu taageersan yahay in dadka lagu tuhmo inay burcad yihiin in la toogto iyadoo aan maxkamad la saarin.

Waxaa saaka oo Salaasa ah sheegay in laga guuleystay Murashaxa xisbi Xaakimka Manuel “Mar” Roxas oo qiray in doorashadan looga guuleystay, waxaa sidoo kale iyadana sheegtay in laga guuleystay Xildhibaanada Grace Poe oo kaalinta sadexaad gashay. Xildhibaanadan ayaa markii hore tartanka hogaamineysay kahor intuusan loolanka ku soo biirin Duqa magaalada Davao Mr.Rodrigo Duterte.

Waxaa la sugayaa in guddiga Doorashada ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah, balse waxaa muuqata in Mr.Rodrigo Duterte uu yahay murashaxa guuleystay ee xilka Madaxweynaha qaban doona.



Comments are closed