Daawo USA: Duufaan nooca Tornado ah oo khasaare ka geysatay gobalka Oklahoma

usa

Mareykanka (NN) 10/05/2016

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay dufaano nooca Tornado loo yaqaan oo ku dhuftay koonfurta gobalka Oklahoma ee dalkaasi Maraykanka.

 

Duufaantan ayaa Isniintii shalay cagta siimarisay boqolaal guryo ah waxaana la sheegay in xawaaraha dabeylaha ay wadatay lagu qiyaasay 179km saacadii.

Gobalka Oklahoma ayaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah kadib markii cimilada isbedashay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay qeybo kamid ah gobalada dalkaasi Maraykanka ay saameeyaan dabeylahan.

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in dabeylaha xiliyadan ka dhacaya qaar kamid ah gobalada Koonfurta iyo bartamaha Maraykanka ay saameyn doonaan dad gaaraya 41 milyan oo qof oo deegaanadaasi ku nool.

Comments are closed