MADAXWEYNAHA: Waxaan dadaal ugu jirnaa sidii aan Dhallinyarada uga soo saari lahayn Al-shabaab

vMuqdisho (NN) 10/05/2016

Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegay in horumar ballaaran laga gaaray Dagaalka lagula jiro Al-shabaab, wuxuuna xusay in Ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM ay Al-shabaab kaga guuleysteen Dagaallada ay kula jiraan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka ay ku jiraan uusan ahayn mid keliya, laakiinse ay jiraan aagag kale oo dagaal, wuxuuna sheegay in aagga labaad ee ay doonayaan inay wax ka qabtaan ay yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Hawl-gallada ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab wuu socdaa, horumar ayaana laga gaaray. Deegaanno aan la gaarin tobankii sano ee lasoo dhaafay ayay ciidamadu maanta ku sugan yihiin, waxaana jira meelo ay Al-shabaab sannado ka hor nabad ku joogeen, laakiin aysan maanta Nabad ku joogi karin, taasna waxaa sabab u ah Hawl-gallada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee caawinaya,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh yiri.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ee la marin-habaabiyay dib looga soo celin lahaa, ayna nolol wanaagsan u heli lahaayeen.

“Dagaalka aan ku jirno, ma ahan mid aag keliya ku kooban, laakiinse aagga labaad ee aan wajahayno waa dhallinyarada maskaxda laga qalday, Dowladdu waxay xoogga saareysaa sidii dhalinyaradaas Al-shabaab ku biiray looga soo celin lahaa, Dalkaana waa dalkoodii, kuwa Al-shabaab aaday waan soo celinaynaa, kuwo doonaya inay aadaan waddooyin kale Ayaan u sameynaynaa, si loogu abuuro nolol ka duwan midd Al-shabaab,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Hadalkan oo uu Madaxweynaha Somalia ka jeediyay munaasabadda maalinta EU-da oo lagu qabtay Muqdisho shalay, ayuu ku sheegay in dowladda Somalia ay dadaal u galayso sidii dhallinyarada Soomaaliyeed shaqooyin loogu abuuri lahaa.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaanno ku Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla, inkastoo Deegaanno badan laga qabsaday Sannadihii lasoo dhaafay, Welina Al-shabaab waxay khatar ku tahay Ammaanka Deegaannada ay ka taliso Dowladda Somalia.

Comments are closed