Maxkamadeynta Sadex Wiil oo Somali-American ah oo Maanta ka billaabatay Minnesota

maxkamadMareykanka (NN) 10/05/2016

 

Xulitaanka xeer-beegtida ayaa maanta u billowday sedex wiil oo dhallinyaro ah oo ka mid ahaa sagaal dhallinyaro oo lagu eedeeyay inay doonayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish ee ka Dagaallanta Dalalka Suuriya iyo Ciraaq. Mahamed Farah oo 21-jir ah, Guled Omar oo 22-jir ah iyo C/raxmnaan Daud. Lixda kale ayaa qirtay dambiga lagu soo eedeeyay. Iyadoo seddexdan dhallinyaro ee kasoo hartay ay maanta u furantay maxkamadooda.

Qareenka Dowladda Mareykanka, ayaa ku eedeenaya dhalinyarada inay doonayeen inay aadaan dalalka Siiriya iyo Ciraaq, si ay ugu biiraan Daacish. Dhallinyaradan ayaa la xiray 19-kii Abriil, 2015-kii.

1Kulanka Maxkamadda ayaa Maanta ku billowday Codsi Qareenka Mahamed Farah u gudbiyay Xaakimka oo ahaa in laga bedelo inuu u sii noqdo Qareen. Mahamed Farah ayaa ka muujiyay inuusan ku qanacsaneen Qareenkiisa oo lagu magacaabo Murad Mohammed, Isagoo Sabab uga dhigayay in Qareenka uu cadaadis ku hayo in uu qaato dambiga. Xaakimka ayaa diiday in laga beddelo Qareenka, kuna amray in uu Qareeen u sii noqdo isaga oo sabab uga dhigaya in waqtiga gaaban yahay aan hadda Qareen kale loo magacaabi karin.

Ayan Farah oo ah Hooyada Mohamed Farah ayaa la hadashay warbaahinta waxa ayna walwal ka muujisay in wiilkeeda uu san heli doonin cadaalad. “Sidee Cadaalad ku helayaa hadii uu Qareenkii difaaci lahaa uu wiilka ku qasbayo in uu danbi uusan galin wiilkayga Qirto, Waxa u baahanahay Qareen Cusub” Sidaas ayay Ayan u sheegtay Warbaahinta.

Qaybta labaad ee maxkamada maanta ayaa aheed xulashadii xeerbeegta oo ah xubno ka tirsan dadwaynaha ayaa qaadaya danbiga eedaysanayaasha dadkaan  ayaa ah dadwayne lakiin ah dad waawayn

Waxaa bilowday xulistii X Xeer-Beegatada oo ka koobnaa 50. Su’aalaha uu Xaakim Michael Davis waydiinayay dadka loo soo xulay in ay noqon doonaan Xeer-Beegayaal ayaa waxaa ka mid ahayd sida ay U arkaan Dadka Muslimiinta ah, iyo in ay Daacad ka noqnon Karaan Dacwadan. Qaar ka mid ahaa Xeer-Beegta ayaa u jawaabayay Xaakimka oo yiri in ay marka ay Argagaxiso maqlaanba ay ku adagtahay in ay Daacad ka noqdaan arintaan, “Fadhiga hada Maxkamada la fadhiyo Dadkan ayaaba I dhibaya qaar baa ku jawaabayay” Marka dadka  qaar ay u hadlaan si nacayb ku jiro xaakimku waa uu fasaxayay oo ku lahaa Dacwada Daacad kama noqon kartaan. Intii dad daacad ah la doonaayay ayuuna waqtigii shaqada dhamaatay maanta.

 

2

Maanta  oo Talaado ahna Xulitaanka Xeer-beegta ayaa sii soconaysa. Xaakimka ayaa sheegay in Dacwada ay bilaaban doonto marka Xulintaanka Xeer-beegta soo dhamaado, iyada oo la filaayo in Maanta ay soo dhamaanayso. Arbacadana uu si rasmi ah dacwada u bilaaban doonto. Xaakimka ayaa sheegay in Dacwadan ay afar usbuuc socon doonto.

Ugu danbayntii waxaa goobta maxkamadu ka socoto banaankeeda lagu arkaayay dad sida boorar ay uga soo horjeedaan in dhalinyaradaan la maxkamadeeyo kana xun yihiiin dhibta soo gaadhay qoysaska wiilasha ka xiran yihiin.

 

Comments are closed