Meydadkii Dadkii Ku Dhintay Badda Mediterranean-ka oo Xeebaha Greece Kusoo Caariyay

meydadGreece (NN) 10/05/2016

Meydadka qaxooti badan oo tahriibeyaal ah oo dhawaan ku dhintay badda Mediterranean-ka ayaa kusoo caariyay xeebaha Greece.

Arintaas ayaa walaac xooggan ku abuurtay dawlada iyo shacabka dalkaasi Greece. Greece ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay sii maraan tahriibeyaashu marka ay kusii jeedaan qeybaha kale ee Yurub.

Dad badan oo meydadkoodu soo caariyeen oo isugu jiray rag, dumar iyo carruur ayaa waxaa lagu aasay xabaalo wadareed intooda badan aan wax sumado ah lahayn maadaama mutadawiciintii aasay aysan garanayn dadkaa magacyadooda iyo meelaha ay khaasatan ka yimaadeen iyo weliba xataa qoysaskoodii ama eheladoodii.

Meelaha lagu aasay ayaa ku kala yaal Talyaaniga, Turkiga iyo Greece.

Kumanaan qof ayaa ku naf waayay badaha labadii sano ee lasoo dhaafay sida laga soo xigtay heyadaha QM iyo kuwa kale ee samafalka.

Waxaa aad looga walaacsan yahay sidii loo xaddidi lahaa qulqulka tahriibeyaasha caalamka taasoo ah mid ka mid ah dhibaatooyinka caalamka ugu waaweyn qarnigaan ayadoo loo caal waayay sidii loo maareyn lahaa.

 

Comments are closed