Mudaaharaad ka dhacay Laascaanood iyo Guriga Guddoomiyaha G/Sool oo la Weeraray

muLaascaanood (NN) 10/05/2016

Mudaaharaad looga cabanayay sicir-barar magaalada ka jira iyo ganacsato diiday 500 ee Shilin Soomaaliga ah, ayaa maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, iyadoo xalayna la weeraray guriga Guddoomiyaha Gobolka Sool, Mustafe Cabdi Ciise [Shiine].

Dibadbaxan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ganasatada Magaaladda Qaarkood, ayaa xayiray inta badan suuqyada magaalada.

Sidoo kale, Waddooyinka magaalada Laascaanood ayaa lagu arkayay maanta Dad u socda Koox-koox  oo ku qaylinaya hadallo ay ku Dhaliilayaan Ganacsatada Waa-weyn ee diiday lacagta 500 ee shilling Somaalig ah.

“Waxaa Mas’uuliyada sicir-bararkan iska leh maamulka, iyadoo kaantaroollada ay joogaan ay soo maraan lacagaha la sheego inay sicir-bararka keenaan,” ayay tiri haweeney careysan oo ka mid ah dadkii mudaharaadka dhigayay.

Banaan-baxayaasha oo kusoo ururay xarunta Dowlada Hoose ee Laascaanood, ayaa waxaa si weyn dusha ugala socday ciidanka booliska oo cabsi ka qabay inuu mudaaharaadku isku beddelo mid rabshado wata.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sool, C/rashiid Dalmar oo ka hadlay ayaa sheegay inuu Sicir-baraka taagan sababay lacag Gobolka kasoo gala dhinaca deegaannada Puntland.

Dhinaca kale, Weerar ayaa habeenimadii xalay ahayd waxay Kooxo aan la Garanaynin ku Qaadeen Guriga Guddoomiyaha Gobolka Sool, iyadoo C/rashiid Dalmar uu sheegay inay wadaan baaritaanno la xiriira Weerarkaas.

Weerarkan, ayuu Guddoomiye ku xigeenku sheegay in ay soo qaadeen 12 ruux, mana jiro wax khasaare ah oo ka dhashay, dhanka kalena illaa hadana cid sheegatay inay mas’uul ka tahay ma jirto.

Ugu dambeyntii, Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo Muddooyinkii u dambeeyay ku sugnayd xaalad deggenaasho iyo amni ah ayaan laga cabsi-qabaa in isbedel ku yimaado

 

Comments are closed