Ciyaartooyda kubadda cagta Jubaland oo diyaargaroow ugu jirta koob loo qaban doono dowlad goboleedyada

kismaayoKismaayo (NN) 12/05/2016

Ciyaartooy laga soo xulay gobollada Jubaland ayuu maalmihii u danbeeyay tababar uga socday magaalada Kismaayo, ayagoo diyaargaroow ugu jirta koob kubadda cagta ah oo magaalada Muqdisho loogu qaban doono dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Koobkan oo la filayo in uu furmo 20-ka bishan ayaa waxaa ku loolami doona ciyaartooy matali doonta dowlad goboleedyada dhisan iyo qaar kale oo ka iman doona gobollada dalka.

Bishaar Cali Axmed (Kaata) oo kamid ahaa ciyaartooydii usoo dheeshay gobolka J/hoose xilligii ay dhisnayd dowladdii dhexe ee Soomaaliya, haatanna kamid ah macalimiinta leeylineeysa xulka gobolka J/hoose ayaa warbaahinta u sheegay in ciyaartooyda ay maalmihii u danbeeyay ku tababaranayeen xeebta Liido ee magaalada Kismaayo, isagoo xusay in haatan ay heystaan aalamiindo ku filan.

“Ciyaartooydan waxaa laga soo xulay sedexda gobol ee Jubaland, waa ciyaartooy tayo leh, waxaana ku rajo weynahay in ay guul kasoo hoyi doonaan tartanka lagu qaban doono Muqdisho,” ayuu Macallin Kaata hadalkiisii raaciyay.

Gobollada Jubooyinka ayaa caan ku ah ciyaaraha kubadda cagta, ayadoo xilligii ay dhisnayd dowladdii dhexe ee Soomaaliya uu gobolka J/hoose ku guuleystay 9 koob oo kamid ahaa 17 koobood oo loo qabtay gobollada dalka.

Comments are closed